skip to content
Primary navigation

Caawimo Dhaqaale

Inta badan dadka reer Minnesota ee iska diwaangeliya MNsure waxay u qalmaan caawimo dhaqaale.

Markaad ka codsato adiga oo u maraya MNsure oo aad doorato arjiga LEH kaalmo dhaqaale, waxaad ogaan doontaa caymiska caafimaad ee aad u qalanto iyo haddii aad heli karto wax gargaar dhaqaale ah oo aad ku bixiso.

Waxaad ogaan doontaa in aad u qalanto:

  • Dhibcaha cashuur ugu celinta ee hoos u dhigaya khidmadaha bishii ee qorshayaasha caymiska caafimaadka gaarka ah
  • Raqiisin kharash-wadaag ah si loo yareeyo kharashaadka jeebka laga bixinayo sida hor-u-bixinta (deductible) iyo qayb-bixinta
  • Caymis bilaash ah ama mid qiimo jaban oo loo marayo Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare

Hel qiyaasid degdeg ah si aad u aragto in aad u qalmi karto caawimo maaliyadeed oo ku salaysan tirada iyo dakhliga qoyskaaga:

Hel Caawimo Bilaash ah

Waxaad ku heli kartaa caawimo bilaash ah luqadaada aad doorbidayso oo uu kugu caawiyo khabiir wakhti kasta inta hawsha lagu jiro.

back to top