skip to content
Primary navigation

Liiska Macnaha Erayada

Caymiska Caafimaadka: Caymiska caafimaadku waa heshiis adiga iyo shirkada caymiska idinka dhexeeya oo qeexaya waxa shirkada caymisku ay bixinayso iyo inta ay tahay in aad bixiso biilka haddii aad hesho daryeel caafimaad. Waxyaabahan cayiman waxaa loo yaqaan "qorshe", "xeer/caymis," ama "caymis."

Kharashka hor-u-bixinta (deductible): Karashka hor-u-bixintu waa qadarka aad ku bixin doonto daryeelka caafimaadka aan ka hortaga ahayn sanad walba ka hor inta aanu qorshaha caymiskaaga caafimaadku bilaabin inuu bixiyo. Tusaale ahaan, haddii kharashka hor-u-bixinta (deductible) uu yahay $1,000, waxaad bixin doontaa $1,000 ka hor inta uuna qorshahaagu bilaabin inuu daboolo qaar ka mid ah kharashaadkaaga. Ka dib markaad bixiso qadarka lacagta kharashka hor-u-bixinta (deductible) oo dhan sanadka ama "aad gaarto kharashka hor-u-bixinta," waxaad la wadaagi doontaa kharashka adeegyada daryeelka caafimaadka qorshahaaga caymiska adiga oo bixinaya caymis wadaaga.

Qayb-bixinta (co-pay): Qadar go'an oo lacag ah, oo badanaa la bixiyo marka aad hesho adeeg daryeel caafimaad. Qadarka lacagtu ayaa kala duwanaan kartaa iyada oo ku xiran nooca adeegga. Tusaale ahaan, waxaad bixin kartaa $25 booqashada xafiiska dhakhtarka, $50 si aad u aragto takhasusle iyo $10 daawo kasta oo laguu qoro.

Caymis-wadaag: Caymis-wadaagu waa qaybtaada kharashyada adeega daryeelka caafimaadka ee caymiska kujira. Waxaad bilaabaysaa inaad iska bixiso caymis wadaaga kaliya ka dib marka aad bixiso qarashka hor-u-bixinta ee qorshahaaga caafimaad (deductible). Caymis wadaagu waxaa loo xisaabiyaa in uu yahay boqolkiiba inta loo ogolyahay qorshaha adeega.

Tusaale ahaan, haddii aad haysato qorshe leh caymis wadaag ah 20%, marka aad bixiso kqarashka hor-u-bixinta (deductible) ee qorshahaaga caafimaadka, waxaad bixin doontaa 20% qadarka lacagta la ogolyahay ee adeegyada ilaa aad ka gaarayso heerka ugu badnaan ee inta aad jeebkaaga ka bixiso.

Kharashyada jeebkaaga aad ka bixinayso: Kharashyada jeebkaaga aad ka bixinayso waa kharashyada daryeelka caafimaadka ee aad masuulka ka tahay inaad bixiso; lama siinayo qorshahaaga caymiska. Kharashyada jeebkaaga aad ka bixinayso waxa ku jira kharashka hor-u-bixinta (deductible), caymis wadaaga, iyo lacag bixinta adeegyada caymiska ku jira, iyo dhammaan kharashyada adeegyada uuna daboolin qorshahaaga caymisku.

Inta ugu badan ee kharashyada jeebkaaga aad ka bixinayso: Xadka kharashyada jeebkaaga aad ka bixinayso ee ay tahay inaad sannad kasta ku bixiso adeegyada caymiska ku jira. Marka aad gaarto qadarka lacagtan caymiskaaga caafimaad waxa uu bilaabayaa in uu bixiyo 100% lacagta la ogolyahay.

Maskaxda ku hay in dhammaan kharashyada daryeelka caafimaadka ee aad bixiso aan lagu xisaabinaynin xadkan. Tusaale ahaan, xadka kharashka aad jeebka ka bixinayso kuma jiraan lacagta biilka ee billaha ah ama wax kasta oo aad ku bixiso adeegyada uuna daboolin qorshahaaga caymisku.

Kharashka caymiska billaha ah: kharashkaaga billaha ah ee aad siiso shirkaddaada caymiska caafimaadka. Waa inaad bixiso lacagta kharashka billaha ah ee caymiska bil kasta xitaa haddii aadan isticmaalin adeegyada daryeelka caafimaadka bishaas.

Qadarka lacagta caymiska billaha ah waxay ku salaysantahay da'da, goobta, isticmaalka tubaakada, haddii aad leedahay qorshe caymis shakhsi ama qoys ah, iyo heerka caymiska ee qorshahaaga caymiska caafimaadka (sidoo kale loo yaqaano heerka birta). Kharashka billaha ah ee caymiskaaga laguma xisaabinayo kharashka hor-u-bixinta.

Canshuur ugu celinta kharashka billaha ah ee aymiska: Canshuur ugu celinta laga yaabo inaad u qalanto taas oo hoos u dhigi karta kharashka caymiskaaga bishiiba marka aad isu diiwaangeliso qorshaha caymiska caafimaad gaar loo leeyahay adiga oo u maraya MNsure.

Waxaad hormaris u isticmaali kartaa dhammaan, qaar, ama waxbaba canshuur ugu celinta kharashka billaha ah ee caymiska si aad hoos ugu dhigto kharash billaha ah. Tusaale ahaan: Waxaad dooran kartaa inaad horay u codsato canshuur ugu celinta (canshuur ugu celinta kharashka billaha ah ee caymiska, (advanced premium tax credit, ama "APTC") si aad u yarayso khidmadahaaga bishii. Ama, waxaad dooran kartaa inaad sugto ilaa aad ka buuxinayso canshuuraha federaalka si aad u hesho canshuuur ugu celinta in lagu daro canshuur celintaada.

Nacfiyada caafimaadka ee aasaasiga ah: Dhammaan qorsheyaasha caymiska MNsure waxaa ka mid ah caymiska nacfiyada caafimaad ee aasaasiga ah (ama "EHBs") sida adeegyada xaaladaha degdega ah, cusbitaal jiifinta, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, dawooyinka la qoro, booqashooyinka ka hortagga iyo fayoqabka, daryeelka caafimaadka maskaxda iyo daryeelka aragga carruurta.

Heerka birta: Inta badan qorshayaasha caafimaadka ee laga heli karo MNsure waxaa loo kala saaraa mid ka mid ah afar birood: maar (bronze), qalin (silver), dahab (gold) ama platinum. Heerarka birta waxay ku salaysan yihiin sida adiga iyo shirkada caymisku aad u qaybsataan kharashyada daryeelkaaga caafimaad. Qorshayaasha maarta ah, shirkada caymiska ayaa bixin doonta qaddarka lacagta ugu yar waxaana laga yaabaa inaad mas'uul ka tahay in badan oo kharashyadaada ah; Qorshayaasha dahabiga iyo platinum-ka ah, shirkada caymiska ayaa bixin doonta inta ugu badan waxaana laga yaabaa inaad mas'uul ka tahay in yar oo kharashyadaada ah.

Qorshayaal masiibada ayaa sidoo kale diyaar u ah dadka qaar. Qorshayaasha masiibadu waxay leeyihiin kharashka hor-u-bixinta oo badan waxayna kugu kacayaan wax ka yar bishii kharashka qorshaha heerka maarta ah (bronze) laakiin waxay bixiyaan inta ugu yar marka aad u baahantahay daryeel. Waa inaad ka yartahay 30 sano ama aad leedahay kaga dhaafid xaalad adag darteed si aad u iibsato qorshaha xaalada masiibada.

Adeegyada ka hortaga: Daryeelka caafimaadka caadiga ah oo ay ku jiraan baaritaannada, baaritaannada iyo la talinta bukaanka si looga hortago cudurrada, cudurrada ama dhibaatooyinka kale ee caafimaadka.

Bixiye: Qof ama xarun bixisa daryeel caafimaad ama daaweyn. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah dhakhaatiirta, cilmi-nafsi-yaqaanada, daaweeyayaasha teraabiyada, cusbitaalada, shaybaarada, rugaha caafimaadka, iyo farmashiyada.

Bixiye ku dhex jira shabakada: Bixiye daryeel caafimaad oo shirkada caymisku qandaraas kula jirto si ay xubnaheeda u siiso adeegyada.

Bixiye ka baxsan shabakada: Bixiye daryeel caafimaad ama xarun aan qandaraas la gelin shirkad caymis.

back to top