skip to content
Primary navigation

Wax ku saabsan Caymiska Caafimaadka

Waa maxay Caymiska Caafimaadku iyo sababtee ayaan ugu baahanahay?

Caymiska caafimaadku waxa uu bixiyaa qaar ka mid ah kharashaadkaaga caafimaad haddii aad jirran tahay, dhaawacantay, ama aad qabto arrin kale oo caafimaad sida in aad uur leedaday. Waxa kale oo ay bixisaaaa marka aadan xanuunsanayn oo aad raadinayso daryeel si aad uga hortagto dhibaatooyinka caafimaad ee mustaqbalka.

Biilasha caafimaadku waa sababta ugu badan ee keenta kicitaanka/dhaqaale burburka waxayna gaari karaan malaayiin doolar. Haddii adiga ama qoyskaagu aad jirrataan ama dhaawacantaan, caymis caafimaad oo tayo leh ayaa kaa ilaalin kara culeys dhaqaale oo nolosha oo dhan kula socda.

Talooyin loogu talagalay Fahamka Caymiskaaga Caafimaadka

  • Fahan ereyada caafimaadka ee inta bada la adeegsado, sida "bixiye" ee ku jira diiwaanka ereyada.
  • Ogow in dhammaan noocyada bixiyeyaasha daryeelka caafimaadku aysan qaadan dhammaan qorsheyaashaa caymiska caafimaadka ama noocyada caymiska.
  • Kahor intaadan daryeel raadsanin, ka hubi shirkaddaada caymiska ama Gargaarka Caafimaadka ama barnaamijka MinnesotaCare si aad u aragto adeegyada iyo bixiyayaasha uu caymiskaaga caafimaadku bixin doono iyo inta ay ku kacayso kharashka booqasho kasta ama dawo kasta.
  • Baro faraqa u dhexeeya bixiyeyaasha shabakada dhexdeeda ah iyo bixiyeyaasha ka baxsan shabakada.
  • Baro noocyada kala duwan ee kharashyada caymiska (premiums (kharashka billaha ah ee caymiska), co-payment (aayb-bixinta), deductibles (kharashka hor-u-bixinta), co-insurance (caymis wadaaga)).
  • Waydii shirkadaada caymiska adeegyada ku jira daryeelka aasaasiga ah, iyo kuwa ku jira daryeelka xaaladaha degdega ah.

Muhiimada ay leedahay ku dhex Jiritaanka Shabakadu

Marka ay timaado ceymiska caafimaadka, waxaa jira laba nooc oo daryeel bixiyeyaasha caafimaadka ah: mid shabakada dhexdeeda ah iyo mid ka baxsan shabakada. Isticmaalka bixiyeyaasha shabakada dhexdeeda ah ayaa waxay u badan tahay inay hoos u dhigaan kharashka daryeelkaaga caafimaadka. Haddii aad isticmaasho bixiye ka baxsan shabakada, waxay u badan tahay inaad lacag badan ka bixin doonto adeegyadaas.

Tusaale ahaan, badanka qorshayaasha caafimaadku waa inay bixiyaan adeegyo ka hortag ah oo lacag la'aan kuu ah, haddii aad isticmaasho daryeel bixiye shabakada dhexdeeda ah. Adeegyadani waxay lacag la'aan yihiin kaliya marka uu bixiyo adeeg bixiye shabakada dhexdeeda ah.

Kahor intaadan ballan u qabsanin daryeelka caafimaadka ama aadan daawo dhakhtar kuu qoro dalbanin, la xiriir shirkaddaada caymiska caafimaadka si aad u ogaato in daryeel bixiyuhu uu ku dhex jiro qorshahaaga caymiska caafimaadka.

Xusuusnow:

  • Shabakadaha qorshaha caafimaadku way is beddeli karaan muddadiiba.
  • Noocyada kala duwan ee qorshayaasha caafimaadku waxay leeyihiin sharciyo kala duwan oo loogu talagalay raadsiga daryeel uu bixiyo daryeel shabakada dhexdeeda ah. Tusaale ahaan, ka hor intaadan la kulmin dhakhtar takhasusle ah (sida dhakhtarka daryeelka lafaha), waxaa laga yaabaa inaad u baahato gudbin in uu kuu sameeyo dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga ah.
  • Cisbitaalka dhexdiisa, waxaa suurtogal ah in dhammaan bixiyeyaasha ku daawaynayaa aysan ku jiriin shabakada. Tusaale ahaan, dhakhtarkaagu qalliinku waxa uu ku jiri karaa shabakada, laakiin suuxiyahaagu waxaa laga yaabaa in uu ka baxsanyahay shabakada.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan qorshahaaga caymiska caafimaadka, shabakada daryeel bixiyahaaga, ama kharashyada suurtagalka ah, la xiriir shirkaddaada caymiska caafimaadka ama Gargaarka Caafimaadka ama barnaamijka MinnesotaCare.

Sida Caymiska Caafimaadku u Shaqeeyo

Caymiska caafimaadku waa heshiis adiga iyo shirkada caymiska idinka dhexeeya oo qeexaya waxa shirkada caymisku ay bixinayso iyo inta ay tahay in aad bixiso biilka haddii aad hesho daryeel caafimaad. Waxyaabahan cayiman waxaa loo yaqaan "qorshe", "xeer/caymis," ama "caymis."

Faahfaahinta qorshahaaga caymiska caafimaadku waa muhiim. Qadarka lacagta biilkaaga ay shirkada caymisku bixin doonto, iyo duruufaha ay ku bixinayaan, ayaa uu qorshe caymisba wax badan kaga duwanaan kartaa qorshaha caymiska kale.

Bil kasta, waxaad siinaysaa shirkaddaada caymiska qaddar cayiman oo lacag ah (oo loo yaqaano "premium" (kharashka billaha ah ee caymiska)), oo shirkaddaada caymiskuna waxay kaa caawinaysaa bixinta kharashka caafimaadkaaga inta lagu jiro sanadka. Waa inaad bixiso lacagta kharashka billaha ah ee caymiska bil kasta xitaa haddii aadan isticmaalin adeegyada daryeelka caafimaadka bishaas. Dadka qaar ee ku jira Gargaarka Caafimaadku ma bixiyaan wax kharashka billaha caymiska ah.

back to top