skip to content
Primary navigation

Goorta la isdiiwaangaliyo

Goorta aad isdiiwaangeliso waxay ku xirantahay nooca caymiska ee aad xaq u leedahay.

Muddada Isdiiwaangelinta Furan

Isiiwaangelinta furan waa fursadda sannadlaha ah marka aad isu diiwaangelin karto qorshe caymis caafimaad oo gaar ah ama aad dib u cusboonaysiin karto ama aad isbeddel ku samayn karto qorshaha hadda jira.

Muddada isdiiwaangelinta furan ee 2024 waxay dhammaatay Janaayo 15, 2024, laakiin waxaad u qalmi kartaa inaad hadda isdiiwaangeliso. Hoos ka eeg fursadaha.

Muddada Isqorista Gaarka ah

Isdiiwaangelinta gaarka ah waa fursad la isugu diiwaangeliyo ama lagu sameeyo isbeddelo caymis gaar ah xilli ka baxsan xilliga isdiiwaangelinta furan ee sannadlaha ah oo ay sabab u tahay dhacdooyinka nolosha qaarkood, sida ilmo dhalista, guursashada, u guurista aag cusub, ama luminta caymis kale oo caafimaadka.

Haddii aad u qalanto xilliga isdiiwaangelinta gaarka ah, waxaad caadi ahaan haysataa ilaa 60 maalmood dhacdada kadib si aad isku isugu diiwaangesiyo qorshe caymis caafimaad.

Dhacdooyinka Nolosha ee Qofka Xaqqa u Siiya

Dhacdooyinka nolosha ee qofka xaqqa u siiya isqorista gaarka ah waxaa ka mid ah:

  • Korsashada sharciyeysan
  • Xanaanada kumeelgaarka ah
  • Canug dhasha
  • Guur
  • Wadani aad noqoto, xaaladdaada wadaninimo ama sharci oo isbeddesha
  • Caymis caafimaad oo kaa dhamaada ama lagaa joojiyo*
  • Si hor leh oo aad xaq ugu yeelato, ama ugu yeelan waydo canshuur celin ama dhimitaanka kharashka la wadaago (waa kuwa ku qoran MNsure)
  • Cinwaanka oo si joogto ah loo beddelo kaas oo fursado cusub qofka u siiya qorsheyaasha caymiska caafimaadka gaarka
  • Iskuqoris xubin ka mid ah qabiil federaalku aqiinsan yahay

*Waxaad heli kartaa haddii aad lumiso xaq u yeelashadaada caymis caafimaad kale (oo ay sababtay shaqadii oo kaa dhamaatay ama lagaa joojiyay, adiga oo waaya Medical Assistance [Gargaarka Caafimaadka] ama MinnesotaCare). Ka mid ma aha caymis la’aan ay sababtay lacagtii caymiska oo la bixin waayay ama iska dhaafid caymis la heli karo.

Eeg Miyaad wayday caymiskaagii caafimaad ee shaqadaada? (PDF) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Isqorista Sannadka oo Dhan

Macmiisha qaarkood waxay codsan karaan caymis sannadka oo dhan ah iyaga oo aan xaq u yeelan isqorista gaarka ah waxaana ka mid ah:

  • Dadka xaqqa u leh MinnesotaCare iyo Medical Assistance
  • Qoysaska Hindida Maraykanka ahi waxay isqori karaan sannadka oo dhan

Hel Caawimo Bilaash ah

Waxaad ku heli kartaa caawimo bilaash ah luqadaada aad doorbidayso oo uu kugu caawiyo khabiir wakhti kasta inta hawsha lagu jiro.

back to top