skip to content
Primary navigation

2. Soo ururso macluumaadka laga yaabo in aad u baahato

Marka aad ka codsato caymiska caafimaadka MNsure, waxaad u baahan tahay inaad bixiso macluumaad adiga iyo qoyskaaga ku saabsan, oo ay ku jiraan caymiska caafimaad ee aad hadda haysato. Waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad bixiso dakhliga qoyskaaga haddii aad isticmaalayso arjiga LEH kaalmo dhaqaale. Isticmaal liiska hoose si uu kaaga caawiyo soo ururinta macluumaadka aad u baahan karto si aad u dalbato.

  • Lambarka Sooshiyaal Sikiyuuritiga ee qofkasta oo codsanaya
  • Taariikhda dhalashada ee qof kasta oo guriga jooga (ma aha oo kaliya kuwa codsanaya)
  • Shatiga darawalnimada, Aqoonsiga Qabaa'ilka ama aqoonsiga kale
  • Dadka aan muwaadiniinta ahayn: Kaarka Cagaaran ama dukumentiyada kale ee socdaalka
  • Foomka canshuurta ee 1040 ee sannadkii hore ee qof kasta oo codsanaya
  • Labada jeeg ee ugu dambeeyey dabadooda ee qof kasta oo codsanaya
  • Dukumeentiyada ilo kale oo dakhli (sooshaal sakuuratiga, shaqo la'aanta, iskaa u shaqaysiga, iwm.) ee qof kasta oo codsanaya
  • Foomka W2 ama Lambarka Aqoonsiga Canshuurta ee Loo shaqeeyaha (EIN) ee qof kasta oo codsanaya
  • Cinwaanka loo shaqeeyaha iyo macluumaadka lagala xiriiri karo ee qof kasta oo codsanaya
  • Macluumaad kasta oo ku saabsan siinta caymis caafimaad oo loo marayo shaqo uu heli karo qof kasta oo codsanaya (xitaa haddii aanu qof qoyskaaga ka tirsani u diiwaangashanayn)

Xaaladda Muwaadinimada iyo muhaajirnimada

Ma aha inaad tahay muwaadin Maraykan ah si aad ugu qalanto caymiska caafimaadka MNsure. Dadka degan Minnesota ee ku jooga Maraykanka si sharci ah ayaa xaq u yeelan kara. Akhri wax badan oo ku saabsan muhaajirnimada iyo nacfiyada dadweynaha: Adiga Miyuu Ku Khusaysaa Ku Soobaxsiga Dowladdu (Public Charge) (PDF).

Bixinta macluumaadka dhalashada muwaadinimada iyo muhaajirnimadu waa ikhtiyaari. Haddii aad doorato inaadan bixin muwaadinimada iyo macluumaadka muhaajirnimada, waxay saamayn kartaa u qalmitaankaaga.

  • Xubnaha qoyska ee aan codsanayn caymiska laakiin ku qoran arjigu maaha inay bixiyaan macluumaadka dhalashada muwaadinimada iyo muhaajirnimada. Tan waxaa ku jira waalidiinta ku qoran arjiga si ay ugu helaan caymis carruurtooda oo keliya.
  • Gargaarka Caafimaadka, macluumaadka muhaajirnimada looma baahna haddii aad codsanayso daryeel caafimaad oo xaalad degdeg ah oo keliya, ama aad uur leedahay oo aad ku nooshahay Maraykanka

Haddii lagu weydiiyo inaad xaqiijiso xaaladdaada muhaajirnimo, waxaad u baahan doontaa inaad keento koobiga mid ama ka badan oo dukumeentiyada soo socda iyo taariikhda aad soo gashay Maraykanka.

  • DS2019 (Xaalada shahaadaynta u qalmitaanka soo Booqdaha Beddelka ah (J-1))
  • I-20 (shahaadada aan muhaajirnimada ahayn ee u qalmitaanka xaalad arday (F-1)
  • I-327 (ogolaanshaha dib u soo noqoshada)
  • I-551 (kaarka deganaanshaha rasmiga ah ama "kaarka cagaaran")
  • I-571 (dokumentiga socdaalka qaxootiga)
  • I-688 (kaarka deganaanshaha ku meel gaarka ah)
  • I-688A (kaarka ogolaanshaha shaqada)
  • I-688B (dokumentiga ogolaanshaha shaqada)
  • I-766 (kaarka ogolaanshaha shaqada)
  • I-94 (diiwaanka imaatinka/bixidda)
  • I-94 (diiwaanka imaatinka/bixidda) oo ku jira baasaboorka dal shisheeye oo aan dhicin
  • Fiisaha muhaajiriinta ee mashiinku akhrin karo oo leh luqad ku meel gaar ah/I-551
  • Shahaadada dhalasho siinta
  • Shaabad I-551 ku meel gaar ah oo ku dhegan baasaboor shisheeye oo aan dhicin
  • Wax kale. Tusaalooyinka noocyada dukumentiyada kale waxaa ka mid ah laakiin aan ku xaddidnayn:
    • Xafiiska Dib u dejinta Qaxootiga
    • Dukumeenti tilmaamaya ka joojinta ka saaritaanka waddanka
    • Amarka maamul ee joojinta ka saaridda waddanka oo ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha
    • Foomka I-360 Go'aaminta Hore (Prima Facie Determinations)

HealthCare.gov waxaa ku jira macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan noocyada dukumeentiyada socdaalka, oo ay ku jiraan meesha laga helo lambarka alien number ee dukumeenti cayiman (Ingiriisi iyo Isbaanish).

Caymiska Caafimaadka ee Ku Salaysan Shaqada  

Marka aad dalbato adiga oo u maraya MNsure oo aad doorato arjiga LEH KAALMADA maaliyadeed, waxaad u baahan tahay inaad ku darto macluumaadka ku saabsan wax kasta oo caymis caafimaad ah oo ay bixiso shaqo u diyaar ah adiga ama xubnaha kale ee qoyska, xitaa haddii uusan qofna qoyskaaga ka diiwaangashanayn. Helitaanka caymiska caafimaadka loo shaqeeyuhu waxay saamayn kartaa u qalmitaankaaga kaalmo dhaqaale.

Weydiiso loo shaqeeyahaaga inay kaa caawiyaan buuxinta QORAAL DHEERAADKA A EE BOGGA DAMBE Caymiska Caafimaadka ee Laga Helo Shaqooyinka (PDF) si ay kaaga caawiyaan soo ururinta macluumaadka aad u baahan tahay si aad u buuxiso arjiga MNsure.

back to top