skip to content
Primary navigation

Hagahaaga caymiska gaarka loo leeyahay ee laga gato MNsure

Qorshayaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay ayaa laga yaabaa inay kugu cusub yihiin. Macluumaadka hoose ayaa kaa caawin doona inaad barato faraqa u dhexeeya qorshayaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo Gargaarka Caafimaadka iyo MinnesotaCare iyo sida loo isticmaalo caymiskaaga cusub.

Sidee ayuu u caymiska gaarka loo leeyahay uga duwan yahay?

Caymiska caafimaadka gaarka loo leeyahay - oo sidoo kale loo yaqaano qorshayaasha caafimaadka ee u qalma ama QHPs - waa caymis ay bixiyaan shirkadaha caymiska gaarka ah ee ku jira suuqa MNsure.

Shaxdani waxay muujinaysaa qaar ka mid ah sifooyinka muhiimka ah ee Gargaarka Caafimaadka, MinnesotaCare iyo caymiska gaarka loo leeyahay.
Sifooyinka Gargaarka Caafimaadka MinnesotaCare Caymiska Gaarka loo Leeyahay
Waxaad bil walba bixinaysaa kharashka billaha ah ee caymiska si aad u sii wadato caymiska maya maya haa
Waxa laga yaabaa inaad hesho cashuur ugu celin si ay kaaga caawiso hoos u dhigida qiimaha khidmadaha (haddii aad u qalanto) maya maya haa
Waxaad haysataa kaarka caymiska oo aad tustaysid mar kasta oo aad doonato daryeel caafimaad haa haa maya
Waxa laga yaabaa in aad wax qayb bixin aad ka bixiso adeegyada qaarkood haa* haa* maya
Waxaa laga yaabaa in aad bixiso kharash wadaag maya maya haa
Waxaad ka iibsan kartaa oo is barbardhigi kartaa qorshayaasha MNsure ku jira oo waxaad dooran kartaa midka adiga kugu habboon maya maya haa

*Loogu talagalay dadka qaangaadhka ah ee jira 21 sano ama ka weyn

  • Kharash wadaag (deductible): Qadarka ay tahay inaad jeebka kaga bixiso daryeelka caafimaadka ee adeegyada uu bixiyo caymiskaaga ama qorshahaaga kahor inta aadan caymiskaaga caafimaad ama qorshahaagu bilaabmin inuu bixiyo kharashka.
  • Qayb-bixinta (co-pay): Lacag go'an (tusaale, $15) aad ku bixinayso adeega daryeelka caafimaadka caymiska, badanaa marka aad qaadato adeega.
  • Lacagta kharashka caymiska: Qadarka ay tahay inaad ku bixiso caymiskaaga caafimaadka ama qorshahaaga caafimaadka, oo badanaa la bixiyo bishii, saddexdii biloodba mar ama sannadkii mar.

Xasuusin: Guud ahaan, kharashyada Gargaarka Caafimaadka iyo MinnesotaCare aad bay u hooseeyaan maadaama barnaamijyadan loogu talagalay dadka reer Minnesota ee dakhligoodu yar yahay ee buuxiya shuruucda u qalmitaanka. Ka hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Gargaarka Caafimaadka iyo MinnesotaCare websaydka DHS.

Waa maxay sababta ay muhiim u tahay in caymiska gaarka loo leeyahay looga gato MNsure?

  • MNsure waa meesha kaliya ee aad ka heli karto kaalmo dhaqaale si aad u yarayso kharashaadkaaga.
  • Dhammaan qorsheyaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay ee lagu iibiyo MNsure waxaa la dammaanad qaaday inay daboolaan isla nacfiyada asaasiga ah oo ay ku jiraan adeegyada ka hortaga, caafimaadka dhimirka iyo adeegyada daaweynta maandooriyaha, adeegyada xaaladaha degdega ah, daawooyinka dhakhtarku qoro iyo cusbitaal jiifinta.
  • Dhammaan qorsheyaasha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ee lagu iibiyo MNsure waxaa ku jira ilaalinta muhiimka ah ee macaamiisha sida ka ilaalinta takoorida ku salaysan xaalado caafimaad oo qofku hore u lahaa iyo in aan caymiska la xaddidayn nolosha qofka.
  • Qorshayaasha laga heli karo meelaha ka baxsan MNsure waxaa laga yaabaa inaysan ku jirin nacfiyada iyo ilaalino isku mid ah.

Sideen u isticmaalaa caymiskayga cusub?

Kadib marka aad doorato qorshe caafimaad oo gaar loo leeyahay oo aad bixiso lacagta caymiska, waxaad heli doontaa xirmada xubinimo oo uu la socdo kaarkaaga caymiskuiyo macluumaadka loo yaqaano "summary of benefits and coverage" ("soo koodida nacfiyada iyo caymiska") oo qeexaya waxa qorshahaaga caymisku bixiyo.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan caymiskaaga, wac shirkaddaada caymiska si aad caawimo uga hesho.

Marka caymiskaagu bilowdo, u isticmaal si aad u daboosho kharashaadka daryeelka caafimaadkaaga.

back to top