Sida Loo Helo Caymis Cusub
Xilliga isdiiwaangelinta gaarka ah (SEP) ayaa diyaar u ah dadka aan mardambe u qalmin Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare. Tani waxay kuu tahay fursad aad isugu diiwaangeliso caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay, waana inaad sida ugu dhakhso badan u samayso.
- Akhri ogeysiiska ay MNsure kuugu soo dirtay boostada oo ay kuugu sheegayso inaad u qalanto xilligan diiwaangelinta khaaska ah oo aad u qalanto inaad iibsato qorshe caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay (sidoo kale loo yaqaan qorshe caafimaad oo u qalma)
Ciwaanka ogaysiisku waa "Don't risk a gap in your health insurance: Take action today to get coverage in 2023." ("Ha galin halis in uu kaa kala joogsado caymiskaaga caafimaadku: Talaabo qaad maanta si aad u hesho caymis 2023.")
Haddii uu ogaysiiskaagu kaa lumo, ka wac Xarunta Xiriirka MNsure (MNsure Contact Center) 651-539-2099 (855-366-7873 meelaha ka baxsan Magaalooyinka Mataanaha ah). - Raac tilmaamaha ku qoran ogeysiiskaaga. Waxay kuu sheegaysaa tallaabooyinka aad qaadayso si aad isaga diwaangeliso khadka internetka inta lagu jiro xilliga diiwaangelinta khaaska ah.
- Waa inaad doorato qorshe caysmis ugu dambayn wakhtiga kama dambaysta ah ee ku qoran ogeysiiskaaga.