skip to content
Primary navigation

Ma u baahan tahay Caawimo ka Beddelashada Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare?

Hakin saddex sano ah kadib, Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota (DHS) waxay dib u billawday cusboonaysiinta u qalmitaanka barnaamijyada daryeelka caafimaadka dadweynaha. Marka dib u cusbooneysiintaadu dhacdo, waxaa laga yaabaa inaad ogaato inaadan mardambe u qalmin caymska Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare.

Haddii aad lumiso caymiskaaga daryeelka caafimaadka dadweynaha, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto inaad iibsato caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay - oo aad hesho caawimo dhaqaale si aad u dhinto kharashka - iyada oo loo marayo MNsure.

Waxaan helay ogaysiis sheegaya in aanan mardambe u qalmin Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare.

Caawimo bilaash ah ayaa diyaar ah. MNsure waxay kaa caawin kartaa inaad si fudud uga gudubto Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare una gudubto qorshe caafimaad oo gaar loo leeyahay.

Ha sugin! Waxaad haysataa wakhti xaddidan oo aad isugu diiwaangeliso qorshe caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay.

Sida Loo Helo Caymis Cusub

Ma aqaano wax ku saabsan cusboonaysiinta u qalmitaanka Gargaarka Caafimaadka ama MinnesotaCare

Booqo websaydka DHS si aad u hesho macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan cusboonaysiinta Gargaarka Caafimaadka Caafimaad ama MinnesotaCare, sida:

  • Sida loo soo sheego ciwaankaaga iyo talefankaaga marka aad bedeshay, si dib u cusboonaysintaadu kuu soo gaarto
  • Goorta ay tahay in la filo cusboonaysiinta xaq u yeelashadaada
  • Sida loogu diyaar garoobo cusboonaysiintaada
  • Halka aad ka heli karto jawaabaha su'aalahaaga ku saabsan cusbooneysiinta

Booqo DHS

Ku sii jir caymiskaaga caafimaadka iyo xasilloonida maskaxdaada

Caymiska caafimaadku waxa uu adiga iyo qoyskaagaba idiin siinayaa daryeel joogto ah oo ka hortag ah si aad u caafimaad qabtaan oo aad uga hortagtaan jirrada. Biilasha caafimaadku waa sababta ugu badan ee keenta kicitaanka/dhaqaale burburka waxayna gaari karaan malaayiin doolar. Caymis caafimaad ee tayada leh ayaa adiga iyo qoyskaaga ka ilaalinaya culays dhaqaale oo noloshaada oo dhan ah haddii uu kugu dhaco shil ama jirro.

back to top